Sagaal Arimood Oo Ay Jamaahiirta Man United Ku Sii Faaneen Ka Hor Kulankii PSG Oo Loogu Maadsaday Iyo Wacdarihii Ka Qabsaday Old Trafford.

0

Intii la sugayay kulankii Old Trafford ee Manchester United iyo PSG waxay taageerayaasha United baraha bulshada ku soo bandhigeen ilaa sagaal arimood oo ay u arkayeen in ay xaq u lahaayeen in ay PSG garaacayaan laakiin waxay markii danbe noqdeen qodobo maad looga dhigtay jamaahiirta Red Devils.

Manchester United ayaa ogayd in kulankii PSG ayna ciyaarayn Neymar Jr iyo Edinson Cavani oo ka mid ahaa ciyaartoyda ugu muhiimsan ee kooxda reer France waxayna ka mid ahaayeen sababihii ay jamaahiirta United sida buuxda kalsoonida ugu qabeen in PSG ay dhibaato kula kulmayso.

Waxa kale oo ay taageerayaasha Man United soo bandhigayeen in Marcus Rashford uu ka fiican yahay da’yarka weerarka PSG hogaaminayay isla markaana kalida ku ahaa ee Kylian Mbappe kaas oo ay u arkayeen in uu lumiyay baalashii uu ku duulayay ee Neymar Jr iyo Cavani balse taasi sidii ay filayeen may noqon.

Waxa kale oo ay jamaahiirta Man United ku doodeen in Pual Pogba oo xaalad cajiib ah ku jiray uu ka fiican yahay Marco Verratti balse wixii Old Trafford ka dhacay ayay jamaahiirta United iyo kuwa caalamku goob joog u noqdeen iyada oo uu noqday qodob kale oo jamaahiirta United loogu maadsaday.

Markale jamaahiirta Man United ayaa ku sii faanay in Ole Gunnar Solskjær uu yahay Sir Alex Ferguson yar oo ay heleen isla markaana ayna soo guuldaraysan 11 kii kulan ee uu soo maamulay ee ka hor kulankii PSG isla markaana ay sababtan awgeed ku filanayeen in ay guulaysan doonaan.

Haddaba fariinta caanka noqotay ee baraha bulshada loogu maadsaday jamaahiirta Man United ayaa sidan u dhignayd:

Taageerayaasha Man United:

⇒PSG waxay ka ciyaartaa horyaalka beeraleyda.

⇒Rashford ayaa ka fiican Mbappe

⇒Ole Gunnar Solskjær waa Sir Alex Ferguson yar

⇒Pual Pogba ayaa ka fiican Marco Verratti

⇒ Neymar ma joogo

⇒ Cavani ma joogo

⇒Waxaanu soo garaacnay Arsenal iyo Tottenham

⇒Waxaanu guuldaro la’aan ku soo jirnay 11 kulan

⇒Man United way guulaysan doontaa

Laakiin dhamaan wax walba oo ay jamaahiirta Man United ka aaminsanaayeen kulankii Old Trafford waxay xaadir u noqdeen kooxdooda oo kubbada loo diiday isla markaana 2-0 loogu awood sheegtay gurigeeda isla markaana uu Mbappe noqday kan aanu jirin da’yar hiigsan karaa waxayna sidoo kale arkeen in PSG ayna Neymar Jr iyo Cavani oo kaliya ahayn.

Sababta kale ee Man United sida xooga ah loogu maadsaday ayaa noqotay wacdarihii uu Marco Verrattti khadka dhexe ka sameeyay intii aan dhaawac looga saarin Old Trafford waxayna kalmada ugu cajiibsan ee lagu qeexay noqotay: “Verratti waxa uu ka soobaxay Cisbitaal wuxuuna dul orday khadkii dhexe ee Man United, wuxuu ku laabtay cisbitaalkii-geesi”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here