Sadio Mane: Waxa Aan Nahay Kooxda Ugu Fiican Premier League, Halkan Arin Ayaana Naga Go,an

0

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Liverpool ee Sadio Mane ayaa digniin adag u diray kooxda Man City kuna aadan tartanka loogu jiro horyaalka premier league.

Sadio Mane ayaa sheegay in ayna Liverpool iska lumin donin fyrsadooda ay ugu guulaysan karaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa guuldaradoodii ugu horaysay la kulantay kulankii Man City bilowgii bishan laakiin waxa ay wali 4 dhibcood ka dambeeyaan kooxda kaalinta 2-aad ee Man City.

Jurgen Klopp ayaan qarin in ku guulaysiga koobkii ugu horeeyay ee horyaalka ee Liverpool in ay tahay muhiimada kooxdiisa xilli ciyaareedkan kadib markii laga reebay koobabka FA Cup-ka iyo Carabao.

Xilli Ciyaareedkan ayay Liverpool haysataa fursadii ugu fiicnayd ee ay ugu guulaysan kartay horyaalka premier Leageu tan ilaa 2013/2014 Mane ayaana sheegay in ayna kooxda Liverpool ee haatan ka fiican tahay kooxdii Brendan Rodgers.

“Kooxdan ma ahan koox kaftamaysa, waxa aan hubaa in aan ku guulaysan doono horyaalka”ayuu Mane yidhi.

“Marka aan koco subaxdii ee aan tababarka ku sii socdo kuma fikiro in aanan ku guulaysan doonin horyaalka, waxa aan nahay kooxda ugu fiican premier League”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here