Sadio Mane Oo Mohamed Salah Ugu Hamblayeeyay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Africa

0

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa u Hambalyeeyay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah Kadib Markii uu ku guulaystay xiddiga ugu fiican qaarada Africa sanadka 2018.

Mohamed Salah ayaa markii 2-aad oo xiriir ah ku guulaystay abaalmarinta kadib sanad cajiib ah oo uu soo qaatay.

Salah ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Sadio Mane iyo Aubameyang kuwaas oo kaalinta 2-aad iyo 3-aad kala galay.

Mane oo bogiida Instagaram-ka ugu Hamblayaynaya Mohamed Salah ayaa yidhi”Waxa aan ku faraxsanahay in aan ka mid ahaado shaxda ugu fiican sanadka 2018 sidoo kale in aan galo kaalinta 2-aad ee xiddiga ugu fiican Africa”.

“Waxa aan doonayaa in aan u mahad celiyo dhamaan taageerayaasha xulka Senegal iyo kooxda Liverpool ee taageerada ii muujiyay”.

“Waxa aan sidoo kale doonayaa in aan u Hambalyeeyo Mohamed Salah oo ku guulaystay xiddiga ugu fiican qaarada Africa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here