Sadio Mane Oo Loo Sheegay In Uu Halkan Arin Sameeyo Si Uu Uga Sare Maro Mohamed Salah Iyo Xidigaha Kale Ee Ka Soo Heerka Fiicnaa.

Xidiga xulka qaranka Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ku jira qaab ciyaareedkii noloshiisa ugu fiicnaa isaga oo muujinaya in uu waqti xaadirkan yahay laacibka ugu fiican ee ay kooxda Jurgen Klopp ku soo socotay laakiin waxaa Sadio Mane loo sheegay sida uu xataa Mohamed Salah kaga fiicnaan karo ee uu abaal marinta xidiga sanadka ee Afrika ugu garaaci karo Salah.

Sadio Mane ayaa 17 gool oo Premier leauge ah ku soo dhaliyay 29 kulan oo uu ciyaaray xili ciyaareedkan laakiin waxa uu soo dhaliyay 11 gool intii lagu jiray 11 kii kulan ee ugu danbeeyay taas oo muujinaysa in celcelis ahaan uu kulankiiba hal gool dhalinayay.

Laakiin xidigii hore ee kooxda Liverpool ee  Salif Diao ayaa Sadio Mane u sheegay in Liverpool koobab ku hogaamiyo si uu ugu guulaysan karo abaal marino ay xataa ku jirto abaal marinta Ballon D’or laakiin  Salif Diao ayaa sheegay in Mohamed Salah laftiisu uu xaalad fiican ku jiro oo ay isku darkoodu kooxda koobab u horseedi karaan.

Xidigii hore ee Liverpool ee Salif Diao oo Sadio Mane ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in uu isagu halkaas joogo, laakiin mararka qaar haddii ay cadaalad tahay iyo haddii kaleba waxay eedaymuhu sheegayaan in aanu goolal ku filan soo dhalinayn, waxaan filayaa in sanadkan uu wax badan samaynayo”.

Salif Diao oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Inkasta oo uu sanadkan ku taagan yahay 20 gool, waxaan filayaa in uu awoodi karayay in uu haysto 24 ama 25 gool haddii aan eegno qaar ka mid ah fursadihii uu isagu lumiyay bilawgii xili ciyaareedka”.

Intaa kadib Salif Diao ayaa u sheegay Sadio Mane sida uu abaal marinaha shaqsiga ah ugu guulaysan karo ee uu xidigo badan uga sare mari karo wuxuuna yidhi: “Dabcan haddii aad ka hadlayso Ballon d’Or, waxaad ka hadlaysaa koobab, isla markaana waxa uu isagu u baahan yahay in uu koobab ku guulaysto. Isagu taas wuu ogyahay”.

Laakiin Salif Diao ayaa aaminsan in Sadio Mane iyo Mohamed Salah ay kooxdooda Liverpool ka saari karaan abaarta koob la’aanta Premier league wuxuuna yidhi: “Cid kasta oo sidoo kale Liverpool u ciyaartaa waxay sanado ku soo jireen abaar koobabka ah, haddana waa waqtigii ku haboonaa. Mane wuu holcayaa, Salah wuu holcayaa, isla markaana hadda waa waqti fiican oo ay koobabkii dib u soo celin karaan”.

Sadio Mane ayaa xulka qarankiisa Senegal u soo saaray tartanka qaramada Afrika ee AFCON 2019 wuxuuna hadda isha ku hayaa qaabkii uu Liverpool uga caawin lahaa ku guulaysiga koobabka Premier league iyo Champions league oo ay Reds si xoogan ugu tartamayso inkasta oo ay haddaba jiraan warar si xoogan Real Madrid ula xidhiidhinayaa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here