Sadio Mane Oo Ka Badbaaday Ganaax Uga Yimaado FA-ga Kadib Talaabo Uu Sameeyay Kulankii Arsenal.

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka bad-baaday ganaax uu kala kulmi lahaa FA-ga kadib markii uu cunaha qabtay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Stephan Lichtsteiner.

Sadio Mane ayaa u muuqday mid cunaha qabtay Stephan Lichtsteiner Intii lagu jiray qaybtii hore ee ciyaartii ay Liverpool guusha weyn ka gaadhay Arsenal.

Laakiin wargayska SunSport ayaa fahamsan in uu garsoore Michael Oliver arkay dhacdada xanaaqadana u dhigay Arsenal taas oo la macno ah in uuna wajihi doonin ganaax kale.

Sadio Mane ayaa sidaas darteed si buuxda taam ugu noqon doona kulanka adag ee ay Liverpool Khamiista la ciyaari doonto kooxda Man City.

Mane ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Liverpool isaga oo dhaliyay gool 8 gool oo premier League ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here