Saddexda Kooxood Ee Ugu Cad Cad Ku Guulaysiga Champions League Oo Uu Louis van Gaal Saadaaliyay Iyo Jamaahiirta Man United Oo Ka Cadhaysan

0

Louis van Gaal oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya bixiyay ayaa saadaaliyay saddexda kooxood ee uu arko in ay yihiin kuwa ugu cad cad ee koobka UEFA Champions league ku guulaysan kara laakiin Van Gaal ayaa ka cadhaysiiyay jamaahiirtii kooxdiisii hore ee Man United.

Louis van Gaal ayaa tilmaamay in kooxaha Barcelona, Manchester City iyo Liverpool yihiin saddexda kooxood ee ugu cad cad koobka UEFA Champions league wuxuuna aaminsan yahay in Liverpool iyo Man City ay yihiin labada kooxood ee ugu awooda badan.

Louis van Gaal oo u waramayay BBC Sport ayaa yidhi: “Dadku waxay ka fikirayaan in Barcelona ay ugu fiican tahay, laakiin uguma fiicna. Manchester City iyo Liverpool ayaa in badan ka kooxaysan Barcelona. Liverpool ayaa in badan ka kooxaysan City”.

Louis van Gaal oo ka hadlaya kooxda uu u rajaynayo in ay koobka UEFA Champions League ku guulaysato iyo sababta ayaa yidhi: “Aniga falsafadayda kooxda ugu fiicani ha guulaysato, laakiin waxaan rajaynayaa in City ay ku guulaysato sababtoo ah iyagu waxay ciyaarayaan kubbada cagta ugu fiican”.

Dhinaca kale Louis van Gaal ayaa ka hadlay sidii uu Tottenham u diiday markii uu Man United shaqadeeda qabanayay iyo haddii uu qalad sameeyay wuxuuna yidhi: “Tottenham ayaa ahayd doorashada ka fiicnayd sababtoo ah Manchester United waxay ahayd koox duqowday waxaanan ogaa in ay waajib igu tahay in aan isbadal ku sameeyo. Miyay doorashada qaldan ahayd? laga yaabee, laakiin qalbigayga ayaan raacay”.

Kooxaha Barcelona, Liverpool, Man City iyo Juventus ayay dad waynuhu inta badan u arkaan afarta kooxood ee xili ciyaareedkan ugu cad cad koobka UEFA Champions league iyada oo Man United oo qayb ka ah tartankan aan loo arag in ay soo dhaafi karto Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here