Saddexda Kooxood Ee Lacagta Ugu Badan Galiyay Suuqii Janaury, Ac Milan Ayaa Hogaaminaysa

Suuqa Janaury ayaa si Rasmi ah u soo xidhmay Khamiistii waxana uu ahaa suuq aad u dagan maadama ayna kooxaha waaweyn ee reer yurub lacag badan galin suuqa.

Laakiin kooxda Ac Milan ayaa ah kooxda lacagta ugu badan galisay suuqa iyada oo 2 saxiix kula soo saxiixatay lacag dhan 70 milyan oo euro kuwaas oo kala ah Krzysztof Piątek iyo Lucas Paquetá.

Inkasta oo ay wajahayso dhibaatooyin dhanka UEFA Ah hadana Ac Milan ayaa suuqa kala soo wareegtay laba xiddig oo da,yar ah lana odhan karo waa xiddigo mustaqbal ku leh kooxda.

Ac Milan ayaa xiddiga khadka dhexe ee Lucas Paquetá ka soo bixisay lacag dhan 35 milyan oo euro halka ay weeraryahanka Krzysztof Piątek ka soo bixisay lacag dhan 35 milyan ooeuro.

Waxa kaalinta 2-aad ka gashay kooxaha lacagta ugu badan suuqa January galiyay kooxda PSG kuwaas oo hal xiddig la soo saxiixday.

Kooxda PSG ayaa 45 Milyan oo euro ka soo bixisay xiddiga khadka dhexe ee Leandro Paredes kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Zenit.

Kooxda Bournemouth ayaa si lama filaan ah kaalinta 3-aad u gashay iyada oo 35 milyan oo euro ka bixisay weeraryahankii Hore ee Liverpool ee Dominic Solanke iyo xiddiga reer Wales ee Chris Mepham.

Waxa xusid mudan in ay jiraan kooxo lacag galiyay suuqa sida chelsea oo 57 kula soo wareegtay xiddig laakiin saxiixaas ayaa lagu dari doonaa xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here