Saddex Xiddig Oo Real Madrid & Barcelona Ah Oo Khatar Ugu Jira In Ay Seegaan Finalka Copa Del Rey, Sabab

0

Saddex xiddig oo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ah ayaa khatar ugu jira in ay seegaan filanka tartanka Copa del Rey-ga sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in daafaca Real Madrid ee Sergio Ramos iyo xiddigaha Barcelona ee Jordi Alba iyo Luis Suarez khatar ugu jiraan in ay seegaan finalka tartanka.

Saddexda xiddig ayaa qaatay kaadhka digniinta ah kulankii El Clasico ee lugta 1-aad ee ka dhacay garoonka Camp Nou kuna dhamaaday bar-baraha.

Hadii ay saddexdooda xiddig mar kale qaataan kaadhka digniinta lugta 2-aad ee tartanka ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabue waxa ay seegi doonaan finalka tartanka la qaban doono bisha may.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay labada xiddig guud ahaan tartanka ku qaateen 2 kaadh oo digniin ah waxana ay ganaax ku seegi doonaan finalka hadii ay kaadh kale qaateen.

Xeerka tartanka Copa del Rey-ga ayaa ah in xiddiga hal kulan lagu ganaaxo hadii uu 3 kaadh qaato oo digniin ah halka uu La Liga yahay 5 kaadh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here