Saddex Xiddig Oo Man City Ah Oo Seegi Doona Kulanka Everton Ee Caawa

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay caawa wajihi doonto kooxda Everton iyada oo ay ka maqan yihiin 3 xiddig oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in uu tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola go,aansaday in uu kooxdiisa ka reebo xiddigaha Kevin De Bruyne, David Silva iyo Vincent Kompany.

Guardiola ayaa khadka dhexe ka wada ciyaarsiin doona xiddigaha Bernardo Silva iyo İlkay Gündoğan kuwaas oo ku bilaaban doona khadka dhexe.

Wargayska ayaa sababta uu xiddigahan uga reebay kulanka tahay in uu doonayo in uu nasiyo xiddigaha kulanka Everton.

Dhanka kale kabtanka kooxda ee Vincent Kompany ayaa seegi doona kulan isaga oo ku seegi doona sabab la xidhiidha dhaawac uu qabo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here