Saddex Wado Oo Ay Barcelona Ugu Guulaysan Karto Xitaa Iyada Oo Aan Wax Kulan Ah Ciyaarin

0

Kooxda Barcelona ayaa haatan 12 dhibcood ka horaysa kooxda Atletico Madrid kadib guushii 2/0 ahayd ee ay ka gaadhay kooxda Deportivo Alaves kaan tirsanaa horyaalka La Liga iyaga oo qarka u saaran in ay ku guulaystaan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Atletico Madrid ayaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka ciyaari doonta caawa iyaga oo la ciyaari doona kooxda Valencia ka hor inta ayna sabtida la ciyaarin kooxda Real Valladolid 5:15 galabnimo ka hor inta ayna Barcelona Sabtida la ciyaarin kooxda Levante 9:45 habeenimo.

Xitaa hadii ay Atletico Madrid badiso labada kulanka ee Valencia iyo Real Valladolid, Barcelona ayaa si Rasmi ah ugu guulaysan doonta horyaalka hadii ay guul ka gaadhaan kooxda Levante.

Laakiin Barcelona ayaa horyaalka ku guulaysan karta xitaa iyada oo aan wax kulan ah ciyaarin sabtida hadii ay dhacaan saddex arimood ee soo socda.

1.Hadii ay Atletico Madrid Guuldaro kala Kulanto Valencia:

Hadii ay Caawa Atletico Madrid guuldaro kala kulanto Valencia Barcelona ayaa si toos ah ugu guulaysan doonta horyaalka ka hor inta ayna ciyaarin kulanka Levante ee Sabtida.

2.Hadii A Atletico Madrid Bar-Baro La Gasho Valencia & Real Valladolid:

Bar-Baro ay Atletico la gasho kooxaha Valencia & Real Valladolid ayaa sidoo kale Barcelona gacanta u galinaya horyaalka iyada oo aan xitaa ciyaarin horyaalka sabtida soo socota.

3.Hadii ay Atletico Madrid Ka Badiso Valencia Hadana Guuldaro Kala Kulanto Real Valladolid:

Qodobkan ayaa u shaqayn kara sida qodobka hore taas oo la macno ah in hadii ay Atletico Madrid badiso kulanka Valencia laakiin guuldaro la kulanto kulanka Real Valladolid ay Barcelona ku guulaysan doonto horyaalka La Liga ka hor kulankooda Levante.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here