Saddex Su,aalood Oo Uu Ka Jawaabi Doono Kulanka Man United & Liverpool.

Kulan Xiiso leh ayaa maanta ka dhici doona Garoonka Old Trafford kaas oo si weyn loo sugayo marka ay isaga hor iman doonaan kooxaha Liverpool iyo Man United.

Kulankan ayaa ah mid ayna dhibcuhu u qaybsamin labada kooxood maadama ay koox walba u jeedo u gaar ah u doonayso 3-da dhibcood ee kulanka.

Labada Kooxood ayaa ah kuwa ugu taariikhda weyn England waliba la odhan karo laba k mid ah kuwa ugu Magaca weyn yurub oo dhan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 su,aalood oo uu ka jawaabi doono kulanka Man United iyo Liverpool:

Liverpool Ma Soo Afjari doontaa Rikoodhkeeda Xun Ee Old Trafford?

Reds ayaa rikoodh xun ku leh garoonka Man United ee Old Trafford iyada oo kaliya hal kulan ku badisay tan ilaa 2014 inta kalena kala kulmaysay guuldaro ama bar-baro.

Sidaas darteed waxa si weyn loo sugayaa natiijada ay Reds kala baxdo Old Trafford ma soo afjari doontaa Natiijooyinka xun Mise United ayaa fikir kale qabta?

Kulankan Ma Go,aamin Doonaa Tartanka Loogu Jiro Horyaalka Premier League?

Liverpool ayaa u tartamaysa Hanashada horyaalka premier League iyada oo ugu dhaw in ay horyaalka keento Anfield markii ugu horaysay 29 sano kadib.

Laakiin guuldaro ay kala kulanto Man United ayaa la macno ah in ay Man City si buuxda goolal ugula wareegtay hogaanka horyaalka sidaas darteed waxa la ogaan doonaa in uu kulankan go,aamin doono tartanka horyaalka.

Mohamed Salah Ma Sii Wadi Soonaa Soonka Uu Kaga Jiro Shabaqa Man United?

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaan kaliya wax gool ah ka dhalin premier League markii uu yimid kaliya 2 kooxood kuwaas oo kala ah Man United iyo Swansea City.

Maadama ay Swansea u dhaadhacday heerka 2-aad ee England, Man United ayaa ah kooxda kaliya ee shabaqeeda ka ilaashatay Mohamed Salah.

Hadaba waxa si weyn loo sugi doonaa in ay Man United Xiddiga Mohamed Salah ka sii ilaashato shabaqooda ama in uu salah United ku daro dhibanayaashiisii hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here