Saddex Sababood Oo Uu Christian Pulisic Qaab Fiican Ugu Soo Bandhigi Doono Chelsea

Taageerayaasha Kooxda chelsea ayaa sugaya saaxiixooda Christian Pulisic in uu ka soo dago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhamaysto heshiiska amaahda ah ee uu kula jira Borussia Dortmund.

Halyeeyga xulka qaranka America ee Landon Donovan ayaa shaaca ka qaaday 3 Sababood oo uu Christian Pulisic qaab fiican ugu soo bandhigi doono Chelsea.

Chelsea ayaa saxiixa Christian Pulisic dhamaystirtay intii lagu jiray suuqii January laakiin hehsiis amaah ah oo inta xilli ciyaareedkan ka dhiman ah ku siisay Kooxdiis Dortmund.

Christian Pulisic ayaa qaab ciyaareed xun soo bandhigay tan ilaa markii uu kooxda chelsea ku biiray isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Borussia Dortmund qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Laakiin Landon Donovan oo ah halyeey xulka qaranka America ah ayaa sheegay 3 sababood ay taageerayaasha chelsea wax fiican uga filaan da,yarka.

“Waxa ugu fiican xaalka Christian ayaa ah in uu mar walba waxa aan ku arkay si fiican isku ilaaliyo waliba jecelyahay in uu tartamo leeyahayna tayo cajiib ah’ayuu Donovan u sheegay ESPN.

“Waxa aan kaliya rajayanayaa in uu helo fursad ku filan oo uu isku muujiyo”.

“Marna ma garan kartid, marka aad ka ciyaarayso America ee aad u ciyaarayso koox America ah waxa aad helaysaa La dhaqan gaar ah”.

“laakiin marka aad ka ciyaarayso meel kale, wax dan ah lagama galayo in aad tahay America ama aad tahay Ghana Ama Argentine waxa aad helaysaa booskaaga hadii aad u qalanto”.

“Sidaas darteed waa in uu cadeeyo ama muujiyo in uu u qalmo u ciyaarista kooxda chelsea, waxa aan filayaa in uuna sidaas samyn doono”.

“Inkasta oo ay kooxda ka buuxaan xiddigo badan oo booskiisa ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here