Saddex Sababood Oo Mohamed Salah Ku Riixaya In Uu Gool Ka Dhaliyo Fulham

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa isha ku haya dhigista Rikoodh cajiib ah kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto Fulham kulan ka tirsan premier League.

Kooxda Liverpool iyo Fulham ayaa wada ciyaari doona kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 31-aad.

Liverpool ayaa bogeeda internet-ku xaqiijisay in uu Mohamed salah dhigi doono rikoodh cajiib ah hadii uu dhaliyo gool.

Salah ayaa noqon doona xiddiga ugu deg-dega badan ee 50 premier League ah u dhaliya Liverpool oo ku dhalin doona 67 kulan.

Xiddiga reer Masar ayaa dhaafaya xiddigii hore ee Fernanado Torres kaas oo oo 50 gool ku dhaliyay 76 kulan oo premier League ah.

Waxa jirta 2 sababood oo xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ku qasbaysa in uu gool dhaliyo kulanka Fulham marka laga yimaado rikodhaas.

Sababta 1-aad ayaa ah in uu ka boxo abaarta goolasha iyada oo uuna xiddigu wax gool ahd halin 4-tii kulan ee ugu dambaysay premier League iyada oo ay ugu dambaysay kulankii Bournemouth gool uu dhaliyo premier League.

Sababta 2-aad ayaa ah tartanka gool dhalinta premier League oo uuna xiddigu doonayn in uu ka fogaado marka loo eego in ay xiddigo badan isku baacsanayaan tartanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here