Saddex Rikoodh Oo Ay Liverpool Isha Ku Hayso Kulanka West Ham Ee Isniinta.

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda West Ham kulan ka tirsan todobaadkii 25-aad ee horyaalka Premier league.

Liverpool ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u gaadhi lahayd guul ka caawisa in ay sii haysato waliba 5 dhibcood ka sii fogaato kooxada ku dhagan ee Man City.

Kooxda uu Jurgen Klopp hogaamiyo ayaa West Ham kaga badisay garoonkeeda Laakiin Reds ayaan 3 kulan oo xiriir ah West Ham ku garaacin tan ilaa 2007.

Waxa intaas sii dheer in kooxda Liverpool shabaqeeda ilaashatay 6 kulan oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan iyada oo ku dhawaanaysa rikoodh ay dhigtay xilli ciyaareedkii 2014/2015 gabi ahaantiis markaas oo ay 8 kulan ilaashatay shabaqeeda.

Dhanka kale Mohamed Salah ayaa kooxdiisa Liverpool u dhaliyay premier League 48 gool waxana uu noqon doonaa xiddiga ugu deg-dega Badan Liverpool ee dhaliya 50 gool hadii uu 2 gool dhaliyo isaga oo ku dhalin doona 61 kulan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here