Saddex Kooxood Oo Horyaalka Talyaaniga Ah Oo Dejan Lovren Doonayo Iya Jamaahiirta Reds Oo Ku Riyoonaya Heshiis Isku Badalasho.

Difaaca dhexe ee kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Croatia ee Dejan Lovren ayaa noqday nin si wayn looga doonayo horyaalka Talyaaniga waxaana xiisaynaya saddex kooxood oo Serie A ka dhisan laakiin warkan ayaa xiiso gaar ah u abuuray jamaahiirta Reds oo ku riyoonaya in ay suurtogal noqoto in heshiis isku badalasho ay kooxdoodu samayso.

Dejan Lovren ayaan waqti dheer u safan kooxdiisa Liverpool isaga oo muddo dhaawac ku maqnaa laakiin ugu danbayn Lovern ayaa kulamadii caalamiga ahaa ee la soo gaba gabeeyay waxa uu u ciyaaray xulkiisa Croatia taas oo Jurgen Klopp siinaysa fursad fiican oo uu xidigan dib ugu heli karo.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha AC Milan, Napoli iyo AS Roma ay yihiin saddexda kooxood ee Serie A ka dhisan ee ay doonaya saxiixa Dejan Lovren laakiin jamaahiirta Reds ayaa ku riyoonaya in Lovern uu sabab u noqdo in kooxdooda Liverpool ay Napoli ka heli karto difaaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly.

Laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha Liverpool ayaa cirka ku shareeray Dejan Lovern waxayna sheegeen in Napoli si ay u hesho Lovern ay marka hore soo dhiibto lacag iyo Kalidou Koulibaly halka kuwo kale ay soo dhaweeyeen in isku  badalasho laga sameeyo Lovern iyo Kalidou Koulibaly.

Kalidou Koulibaly ayaa diyaar u ah in uu ka baxo Serie A wuxuuna doonayaa in uu ka ciyaaro horyaalka Premier league iyada oo Manchester United ahayd kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayay, laakiin jamaahiirta Reds ayaa doonaya in xiishaa Napoli ee Lovern arintan looga faa’iideeyo.

Intii lagu jiray kulamadii caalamiga ahaa ee la soo gaba gabeeyay, qayb ka mid ah jaamahiirta xulka qaranka Senegal oo taageerayaal u ah Man United ayaa soo qaatay boodh ay Kalidou Koulibaly ugu dhiiro galinayeen in uu Man United ku biiro laakiin Sadio Mane ayaa jamaahiirta xulka qarankiisa Senegal si cajiib ah uga falceliyay.

Sadio Mane ayaa jamaahiirta xulkiisa Senegal ee Kalidou Koulibaly ugu baaqayay in uu Man United ku soo biiro waxa uu suulkiisa ugu tilmaamay dhinaca hoose isaga oo muujiyay in aanu ogolayn in Kalidou Koulibaly uu Man United ku biiro, waxayna jamaahiirta Reds filan karaan in Mane uu markale wakiil u noqon karo kooxdooda.

Sadio Mane ayaa door wayn ku lahaa heshiiskii ay Liverpool kula soo wareegtay Naby Kieta, laakiin markale waxay taageerayasha Liverpool filan karaan in Mane uu doorkiisa ciyaari karo oo uu difaaca xulkiisa keeni karo Anfield balse ay hadda Lovern u adeegsan karaan sidii Napoli loogu qancin lahaa bixitaanka Kalidou Koulibaly.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here