Saddex Go,aan Oo Uu Zidane Qaatay Real Madrid-na Ku Hogaamiyay Guushii Celta Vigo.

Kooxda Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Celta Vigo kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 28-aad.

Zinedine Zidane ayaa hogaamiyay Real Madrid kulankiisii ugu horeeyay tan ilaa markii uu dib ug soo laabtay Todobaadkii hore.

Tababaraha Reer France oo isku qoray taariikhda Real Madrid kadib markii uu saddexley champions League ah oo xiriir ah ku hogaamiyay ayaa sameeyay 4 go,aan oo uu kulanka wax kaga badalay Real Madridna ku faa,iiday.

Waxa si weyn isha loogu hayay kulankan iyada oo la sugayay in la ogaado sida uu Zidan ugu bilowdo marka loo eego dhibaatada ay kooxdu ku jirto hadii ay noqoto dhanka difaacashada iyo waliba dhanka gool dhalinta.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaan 3 Go,aan oo uu Zinedine Zidane sameeyay oo ay Real Madrid ku faa,iiday.

1.Waxa uu Kaydka Dhigay Goolhaye Thibaut Courtois, Waxana uu dib ugu yeedhay Keylor Navas kaas oo sameeyay badbaadino cajiib ah shabaqiisana ilaashaday.

2.Waxa uu shaxda dib ugu soo celiyay xiddigii aan u ciyaari jirin Real Madrid wakhtigii Solari ee Isco waxana uu dhaliyay gool.

3.Waxa uu dib ugu yeedhay shaxda Gareth Bale kaas oo Isna shabaqa soo taabtay goolna u dhaliyay Kooxdiisa Real Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here