Saddex Farsamo Oo Ay Chelsea Ku Garaaci Karto Man City Finalka Carabao Cup-ka Ee Maanta

Chelsea ayaan shaki la,aan ugu cad-cadayn in ay ku guulaysato tartanka Carabao cup-ka Finalka ay maanta la ciyaari doonto Man City kala dhici doona Wembley.

Blues ayaa kulanka galaysa iyaga oo aan wax kalsooni bada haysan maadama ay qaab ciyaareed xun ku jireen kulamadii ugu dambeeyay.

Chelsea ayaa laga reebay FA Cup-ka Todobaadkii hore inkasta oo ay u gudbeen wareega 16-ka tartanka Europa league bartamihii todobaadkan.

Laakiin chelsea ayaa ku soo laaban karta wadada saxda ah kuna guulaysan kara finalka maanta ay la ciyaari doonto kooxda Man City.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 farsamo oo ay ku garaaci karaan kooxda Man City.

1.In Ay Xoog U Difaacdaan:

Waxa laga yaabaa in ay la yaabaan taageerayaasha Blues qodobkan laakiin waji-ka waji ugama hor tagi karaan kooxda Man City.

Waxa ay u baahan yihiin in ay si fiican u difaacdaan waliba boosaska ka xidhaan Man City hadii kale Blues ayaa khatar ugu jirta in guuldaro weyn oo kale dhabarka loo saaro.

Markaas chelsea ugu yaraan waa in ay si fiican u difaacato 15-ka daqiiqo ee ugu horeeya hadii ay kale waxa goolal badan laga dhalin karaa sidii kulankii 6/0 oo ay City 15-kii daqiiqo ee ugu horeeyay 3/0 ka dhalisay Chelsea.

2.In N’Golo Kante Dib Loogu Celiyo Booskiisii Hore:

Halka wado ee kale ee ay chelsea ku adkaan karto dhanka daafaca ayaa ah in uu tababaruhu dib ugu celiyo Kante booska khadak dhexe ee daafaca.

Jorginho ayuu Sarri doorbidaa in uu halkaas ka ciyaaro laakiin waxa ay arintaas ilaa haatan u keentay chelsea dhibaato weyn iyo gqaab ciyaareed xun.

Sidaas darteed hadii uu Kante ku celiyo booskiisii hore waxa shaki la,aan ah in ay Blues haysato fursad aad u fiican oo ay kaga badio Man City.

3.In Ay Ka Faa,iidaystaan kubadaha Sare:

Halka Dhibaato ee ay Man City leedahay ayaa ah in ay aad diciif uga yihiin kubada madaxaha ah ama kubadaha sare.

Chelsea ayaa leh xiddigo dhawr ah oo aad u dhaadheer waliba ku fiican madaxa sida Xiddigaha David Luiz Iyo Gonzalo Higuain.

Kooxda chelsea ayaan ka faa,iidaysan karin fursao kale laakiin hadii ay kubado madax ah oo karoos ah soo dhigaan waxa ay dhibaato weyn ku keeni karaan Kooxda Man City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here