Saddex Daafac Oo Xalin Kara Dhibaatada Daafac ee Man Utd kuwaas Oo Uu Lasoo Saxiixan Karo Solskjaer.

0

Man Utd waxay xili ciyaareedkan u muuqataa kuwo aan u fiicnayn daafac ahaan, Waxaa dhibaato ku noqotay inay ilaashadaan Shabaqa Goolkooda. United waxa laga dhaliyey goolal gaadhaya 30 gool 18 kulan oo ay ciyaareen Horyaalka.

Kooxda Ayaana ku Jirta Kaainta 6aad eek ala saraynta Tartanka Premier League waxayna ku qasban yihiin inay soo bandhigaan wax ka fiican intaan si ay uga mid noqdaan 4ta koox ee Xili ciyaareedka Danbe ka qayb geli doona Champions League.

Ka Dib shaqo ka caydhintii Mourinho, Solskjaer ayaa looga fadhiyaa in uu kooxda dib isugu habeeyo oo kasaaro xaalada ay haatan ku jiraan. Macalinka reer Norwey ayaana ku bilowday waayihiisa tababarenimo ee kooxda si wanaagsan Isaga Oo ku badiyey 5-1 kulankii Cardiff.

Hadaba waxa aan halkaan ku eegi doona Saddex Daafac oo ay lasoo saxiixan karaan Man Utd kuwaasoo ka dabooli kara baahida daafac ee ay qabaan xili ciyaareedkan.

Harry Maguire

Daafaca Dhexe ee Kooxda Leicester City ayaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah daafacyada ugu tayada fiican Premier League. Waxa uu ahaa mid qaab ciyaareed qurux badan kusoo bandhigay Kooxda Leicester. Harry Maguire ayaa ah nooca Daafac ee ay kooxda United u baahantahay, waxa uu ku fiicanyahay dhalinta goolasha ka yimaada kubadaha dhintay. Laacibkan ayayna hore isugu dayeen inay lasoo saxiixdaan United xagaagii laakiin umay suurtoobin. Waxaana lafilayaa in markale ay isku dayi doonaan marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

Kalidou KoulibalyKalidou Koulibaly ayaa ka mid ah daafacyada ugu fiican wakhti xaadirkan aduunka. Laacibka Jooga dheer ayaana ku wanaagsan Kubadaha Sare. Waxana lagu tiriyaa inuu ku heeryahay Daafaca Madrid Sergio Ramos. Koulibaly ayaana soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah Saddex xili ciyaareed oo uu kasoo hoos shaqeeyay Macalinkiisii hore ee Maurizio Sarri.

Diego Godin

Diego Godin waa daafac kale oo heer caalami ah kaasi oo ay heli karto United. Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah kooxaha ugu daafaca fiican aduunka, Godin ayaana ah lafdhabarta daafacaasi. Inkasta oo dadiisu tahay 32 jir hadana Qaab ciyaareedkiisa haatan ayaa ka dhigaya mid sii ciyaari kara sanado kale. Godin ayaana hadii uu yimaado Old Trafford kusoo kordhin kara Hogaamin iyo tayo labadaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here