Saddex Arimood Oo Muhiim Ah Oo Aan Ka Baran Doono Kulanka Arsenal & Fulham

Indhaha taageerayaasha Premier league ayaa u jeedsan doona garoonka Emirates halkaas oo uu ka dhici doono kulan dhex mari doona kooxaha Arsenal iyo Fulham kulan ka tirsan premier League todobaadkiisii 21-aad.

Arsenal ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay ugu soo laaban lahayd waliba ugu dagaalami lahayd sii haysashada kaalinta 5-aad oo ay tartan aag kala kulamayso kooxda Man United.

Dhanka kale Fulham ayaa kulanka u soo galaysa iyada oo u dagaalamaysa sidii ay uga baixi lahayd kaalmaha ugu dambeeya ee horyaalka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 arimood oo muhiim ah oo laga baran doono kulanka.

1.Arsenal Oo Aan Aqoon Sida Guuldaro Loogala Kulmo Fulham:

Kooxda Arsenal ayaan guuldaro kala kulmin kooxda Fulham iyada oo garoonkeeda ku ciyaaraysa garoonkeeda iyada oo ka gaadhay 23 guulood sidoo kale bar-baro kala kulantay 5 kale 28 kulan oo ay Emirates kula ciyaartay Fulham.

Guuldaradii ugu dambaysay ee ay Fulhma ka gaadhay Arsenal ayaa dhacay 2012 markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay kulan ka dhacay garoonkeeda Fulham.

2.Claudio Ranieri Oo Rikoodh Xun Ku Leh Kulamada Arsenal Premier League.

Tababaraha reer Italy ee Claudio Ranieri ayaan waligiis guul ka gaadhin kooxda Arsenal 10 kulan oo uu ka hor tagay isaga oo kala kulmay 4 guuldaro iyo 6 bar-baro.

Sidoo kale kooxda Arsenal ayaan guuldaro kala kulmin 22 kulan oo xiriir ah kulamada ay la ciyaarto kooxaha u soo dalacay premier league iyada oo ay ugu dambaysay guuldaradii 1/0 ahayd ee ka soo gaadhay Newcastle bishii November 2010.

3.Arsenal Oo Taqaana Sida Loo Badiyo Kulamada Bilowga Sanadka:

Arsenal ayaa dhamaan wada badisay kulamadii ay ciyaartay bilowga sanadka horyaalka premier League waxana guuldaradii ugu dambaysay soo gaadhay sanadkii 1985-kii markaas oo ay guuldaro kala kulantay Tottenham

Sidoo kale kulankii ugu dambeeyay ee uu tababare Claudio Ranieri ciyaaray bilowga sanadka cusub ayaa ahayd mid uu sanadkii 2003 ka hor tagay Arsenal isaga oo tababare u ahaa Chelsea waxana uu kala kulmay guuldaro 3/2 ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here