Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Southampton kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 27-aad kulan ay u dagaalamayso kaalinta 4-aad.
Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 5-aad laakiin guul ay gaadho ayaa ka caawinaya in ay Man United kala wareegto kaalinta 4-aad.
Gunners ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay kulankii Europa League iyaga oo iska xaadiiryay wareega 16-ka tartanka.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 arimood oo ay samayso Arsenal si ay guul uga gaadho Southampton:
In Ay Ku Soo Galaan 4 Daafaca:
Taageerayaasha Arsenal ayaa aqbalay in ayna kooxda haatan si fiican u difaacan karin wax walba oo dhaca Laakiin 4 daafac ah oo ay ku ciyaaraan ayaa ka caawin kara in ay ilaashadaan shabaqooda.
Laurent Koscielny Ayay u badan tahay in uu dhaawac ku seego daas oo la macno ah in ay daafaca dhexe ka wada ciyaari doonaan xiddigaha Shkodran Mustafi & Sokratis.
In Ay Dhaliyaan Gool Wakhti Hore Ah:
Maadaama ay kooxda Southampton si xoogan u difaacato gool wakhti hore ah ayaa Arsenal ka caawin kara in ay ciyaartu furanto.
Southampton ayaa isku dayi doonta in ay si fiican u difaacato si ay xitaa kulanka ugala baxaan bar-baro laakiin gool wakhti hore ah ayaa Southampton ku qasbaya in ay weerar galaan si ay u dhaliyaan bar-baraha waxana ay taasi Arsenal u furi doontaa boosas badan oo ay kaga faa,iidaysan karto.
In Ay Si Fiican U Dhamaystiraan Fursadaha:
3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka ay ciyaartay Arsenal waxa ay sameeyeen fursado badan laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay goolal u badalaan.
Khamiistii laba ka mid ah goolasha Arsenal ayaa ahaa qaar ka yimid Madax sidaas darteed Arsenal waxa waajib ku ah in ay sideeda u dhamaystiraan fursadaha ay helaan hadii kale ay ka shalayn doonaan fursadaha ay khasaariyaan kulanka.