
Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pigba ayaa ah xiddig dib u dhashay kadib markii u Tababare Ole Gunnar Solskjaer sida ku meel gaadhka ah u qabtay shaqada Man United.
Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 14 gool xilli ciyaareedkan waxana uu dhalin karay goolka 15-aad hadii uuna iska khasaarin rikoodhadii Southampton.
Intii lagu jiray Qaybtii hore ee ciyaarta ayay indhaha taageerayaasha qabteen sida weyn ee uu xiddigu u yahay guulayste.
Paul Pogba ayaa kubad uga dhex bixiyay daafacyada Southampton isaga oo la doonayay Alexis Sanchez xilli ay Man United 1/0 ku dambaysay kulankii Southampton.
Sanchez ayaa dhacay kadib markii uu xiddiga Yan Valvery dib u jiitay maaliyada laakiin Sanchez ayaa go,aansaday in uuna is tuurin laakin iska istaago.
Arintaas ayaa keentay in ay kubadu dibada u baxdo garsooruhuna tilmaamo in uu goolhayaha Southampton laagto kubadaas.
Laakiin ka hor inta uuna Goolhayaha Southampton laagan kubada waxa la arkay Pogba oo gacmihiisa u haadinaya Sanchez una sheegaya in ay ahayd in uu Is tuuro si rikoodhe loogu dhigo Man United.