Sababtii Uu Miguel Almiron Isaga Diiday Una Doortay Newcastle Oo La Ogaaday

0

Wakiilka Saxiixa cusub ee kooxda Newcastle ee Miguel Almiron ayaa shaaca ka qaaday in uu xiddigu iska diiday kooxda Arsenal suuqii January sababta oo ah In ayna Arsenal doonayn in ay toos ula wareegto xiddiga.

Xiddiga khadka dhexe ee Miguel Almiron ayaa iska diiday in uu Arsenal kaga soo biiro horyaalka Maraykanka isaga oo ugu dambayn Newcastle ugu biiray 21 milyan oo euro.

Xiddiga Paraguay ayaa 13 gool u dhaliyay kooxdiisii hore ee Atalanta United isaga oo qaab ciyaareedkiisa ku soo jiitay kooxo ay ka mid yihiin Arsenal, Manchester United, Newcastle & Southampton .

Almiron ayaan wali wax gool u dhalin kooxda Newcastle 3-dii kulan ee uu u saftay kooxda.

Laakiin Wakiilkiisa ayaa qirtay in ku biiristii xiddiga ee Arsenal in ay u fashilantay in ay Arsenal kaliya xiddiga ku doonaysay heshiis amaah ah.

“Miguel Almiron waa ciyaaryahan dhamaystiran, waxana uu kooxdiisii hore ku soo bandhigay qaab ciyaareed fiican”ayuu u sheegay ABC Cardinal.

“Waxa jirtay xiiso uu ka helyay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Man United, Arsenal iyo Southampton laakiin kooxahaas waxa ay ku doonayeen heshiis amaah ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here