Sababtii Uu Bernardo Silva Ku Seegay Kulankii Tottenham Ee Champions League Oo La Ogaadya

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Bernardo Silva ayaa si lama filaan ah u seegay kulankii ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay kooxda Tottenham kana tirsanaa lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Bernardo Silva ayaa xilli ciyaareedkan ka mid ah xiddigaha ugu fiican Kooxda Man City iyada oo uu Pep Guardiola si joogto ah u ciyaarsiiyo kulamada kala duwan ee xilli ciyaareedkan.

Laakiin taageerayaasha Man City ayaa si weyn ula yaabay ka reebistii xiddiga ee xitaa uuna ka soo muuqan kaydka kulankii ay Man City guuldarada niyad jabka leh kala kulantay Tottenham.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in sababta uu xiddigu ku seegay ay tahay in uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay xiddiga tababarkii ka horeeyay kulankii xalay ee Tottenham.

Tababare Pep Guardiola ayaa sidoo kale shaki weyn galiyay in uu xiddigu taam u noqon doono kulanka Todobaadka dambe hadii ay noqoto kulanka Crystal Palace ee Premier League ama kulanka lugta 2-aad ee champions League.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Guardiola iyo kooxdiisa Maadama uu xiddiga reer Portugal ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan laf dhabarna u yahay kooxdiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here