Sababtii Ayna Man United Ugu Dhaqaaqin Saxiixa Daafaca Toby Alderweireld Oo La Ogaaday

Jose Mourinho ayaa si aad ah u doonayay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld intii uu tababaraha u ahaa kooxda Man United.

Laakiin Maamulka Man United ayaa sababo Taatico ah darteed uga hor istaagay in uu Jose Mourinho u dhaqaaqo saxiixa xiddiga Toby Alderweireld.

Mourinho ayaa laga caydhiyay shaqada Man United bishii December kadib markii ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedka sidii ugu xumayd.

Tababaraha reer Portugal ayaa si aad ah u doonayay in uu la saxiixdo daafac dhexe ka hor bilowgii xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Belguim ee Toby Alderweireld oo uu heshiiskiisu dhacayo xagaaga dambe ayuu si weyn u doonayay.

Spurs ayaa haatan dhaqan galisay heshiiska halka sano ee ku jiray heshiiskii uu xiddigu ugu soo biiray kooxda.

Waxa ay taasi la macno tahay in ay iska iibin karto iyaga oo waliba ku iibin doona kaliya 25 milyan oo euro hadii ay go,aasadaan in ay iska iibiyaan.

United ayaa wali doonaysa in ay la soo saxiixato daafacyo cusub iyada oo bartilmaameedsanaysa xiddigaha Nikola Milenkovic & Kalidou Koulibaly.

Inkasta oo lagu heli karo lacag yar marka loo eego laabda xiddig ee kale hadana Man United ayaa laga yaabaa in ayna u dhaqaaqi saxiixa Alderweireld sababo la xiriirta in ayna maamulka kooxdu ku qanacsanayn in uu ku soo bixi doono kooxdooda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here