Sababtii Ay Liverpool Uga Hadhay Saxiixa Christian Pulisic Oo La Ogaaday, Jurgen Klopp Ayaa Ka Dambeeyay Qaska

0

Christian Pulisic ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda chelsea heshiis ku kacaya lacag dhan 57 milyan oo euro isaga oo iska diiday kooxda Liverpool.

20 jirka reer America ayaa diirada u saarnaa hogaamiyayaasha Premier League iyo waliba Chelsea muddo dheer xilli ay kooxaha reer England isku baacsanayeen xiddiga.

Kooxda reer Germany ayaa maanta xaqiijisay in uu da,yarku ku biiri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo aanay Dortmund bixin doonin lacagta amaahda.

Liverpool ayaa wakhtiga qaar u muuqatay qaar ugu cad-cad saxiixa xiddigan ka hor inta ayna chelsea ku garaacin saxiixa xiddiga.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xitaa u sheegay Sky Sport” Waan Jecelahay Christian, waxa aan garanayaa tan ilaa markii uu ilmaha yar ahaa, wali ma ahan xiddig weyn, waa xiddig cajiib ah”.

Laakiin sida laga soo xigtay Bleacher Report, Pulisic ayaan iska diidin Liverpool laakiin Kooxda ayaa dooratay in ayna u dhaqaaqin xiddiga reer America.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Klopp aaminsanaa in Pulisic lagu helayo lacag badan sidoo kale uu ku dhibaatoon doono in uu boos joogto ah ka helo kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here