Sababta Uu Raphaël Varane U Doonayo In Uu Uga Tago Real Madrid Oo La Ogaaday

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa kashifay sababta ka dambaysa rabitaanka daafaca Raphaël Varane ee ah in uu isaga tago kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga.

Wargayska L’Équipe ayaa shalay si lama filaan ah u qarxiyay in xiddiga koobka adduunka ku guulaystay uu doonayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa door muhiim ah ku leh shaxda Kooxda Real Madrid sanadihii ugu dambeeyay isaga oo ka qayb ahaa 3-dii champions League ee ay Real Madrid qaabka xiriirka ah ugu guulaystay.

L’Équipe ayaa rabitaanka Xiddiga reer France ku sheegay in uu xiddigu doonayo in uu ku biiro koox cusub kadib markii uu wax walba kula guulaystay kooxda Real Madird.

Laakiin wargayska AS ayaa kashifay in sabab kale ka dambaysa rabitaanka Raphaël Varane ee ka tagista kooxda Real Madrid.

Wargayska ayaa sheegay in Raphaël Varane ka xanaaqsan yahay in uuna kooxda ka helin sharfidii uu u qalmay markii uu kooxda ku soo laabtay kadib ku guulaysigii koobka adduunka.

Xiddigaha reer France ee u ciyaara kooxda Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa helay sharfid u khaas ah kadib markii ay ku soo laabteen kooxohooda laakiin Raphaël Varane ayaan arintaas ka helin kooxdiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here