Sababta Uu Antonio Valencia U Sheegay 6-dii Kulan Ee Ugu Dambeeyay Ee United Oo La Ogaaday.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sharaxay sababta uu xiddiga Antonio Valencia u seegay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Man United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu Antonio Valencia ku dhaawacmay tababarka Man United taas oo sabab u noqotay in uu seego 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Man United.

33 jirkan kabtanka 1-aad u ah kooxda ayaa ka mid ahaa xiddigo badan oo kooxda 1-aad ah kuwaas oo aan joogto ugu jiraa jirin United intii uu joogay Jose Mourinho ka hor intii aanu Ole Gunnar Solskjaer la wareegin kooxda.

Valencia oo dib ula wareegay calaamada kabtanimada ayaa kaliya u ciyaaray hal kulan tan ilaa markii uu Mourinho ka tagay kooxda.

Xiddigaha Luke Shaw, Diogo Dalot iyo Ashley Young ayaa ka ciyaaray daafaca laakiin Valencia ayayna u badnayn in uu dhawaan soo laaban doono.

“Waxa aan ku rajo weynahay in uu soo kabsan doono, run ahaantii waxa uu tababarka u qaadanayay si adag, kadib waxa uu ku dhaawacmay tababarka sidaas darteed waxa aan rajaynayaa in uu todobaadyo kadib soo laabto, waa kabtankeena waxana aan rajaynaynaa in aan dib u helno laakiin way adagtahay in lagu arko kulanka Fulham”ayuu Ole Gunnar Solskjaer yidhi.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here