Sababta Dhabta Ah Ee Ay Arsenal Ugu Waalanayso In Ay Iska Iibiso Mesut Ozil Oo La Ogaaday

0

Kooxda Arsenal ayaa si aad ah u doonaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Mesut Ozil inkasta oo uu kaliya dhawaan qalinka ku duugay heshiis cusub oo wakhti dheer ah.

Mesut Ozil ayaa jeebka ku shuban doona lacag dhan 45 milyan oo euro hadii uu dhamaysto heshiiskiisa kooxda Arsenal ee ilaa xagaaga 2021 taas oo ah sababta dhabta ah ee ay Arsenal doonayso in ay isaga iibiso xiddiga.

Kubad sameeyaha oo 30 jir ah ayaa bishii January qalinka ku duugay heshiis uu todobaadkii ku qaato lacag dhan 350 kun oo Gini kaas oo kooxda ku sii haynaya ilaa 2021.

Taas ayaa la macno ah in uu 2 sano iyo badhak Ozil jeebka ku shuban doono lacag waali ah inkasta oo uuna ku jirin qorshaha tababare Unai Emery.

Wargayska SunSport ayaa fahamsan in Arsenal ay ka fiirsanayso in ay hoos u dhigto lacagta 25 milyan ah ee ay ku iibinayso xiddiga laakiin wararka ayaa sheegaya in uu Ozil diiday in uu ku biiro Inter Milan waliba doonaya in uu sii joogo Arsenal.

Xiddiga ayaa seegay 4-tii kulan ee ugu dabaysay ee premier League ka hor inta uuna 20 daqiiqo ka ciyaarin kulankii Southampton ee Axadii.

Ozil ayaan mustaqbal ku lahayn kooxda Arsenal waxana ay Gunners doonaysaa in ay wax kasta oo dhaca iska iibiso xiddiga suuqa Janaury ama xagaaga dambe.

Waxana ay kooxdu si aad ah u doonaysaa in ay fasaxdo xiddiga maadama ayna doonayn in ay lacagta intaas leeg siiyaan xiddig aan ka mid ahayn qorshaha tababara.

Halkan Hoose Mushahakar uu Ozil qaato daqiiqadii, Saacadii, Maalintii, Todobaadkii & Sanadkii ee sababta u ah in ay Arsenal doonto in ay iska fasaxdo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here