Sababta Ayna Man United Ugu Dhaqaaqin Saxiixa Jorginho Uguna Dhaqaaqday Fred Oo La Ogaaday

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Jorginho ayay doonaysay Man United ka hor intii uuna ku biirin Chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga chelsea ayaa lala xiriirinayay Man United intii uu furnaa suuqii xagaaga ee sanadkii hore.

Xiddiga reer Italy ayaa ugu dambayn Stamford Bridge kula biriay tababare Maurizio Sarri oo isaguna isla wakhtigaas tababare noqday.

Jorginho ayaa ilaa haatan ku fashilmay chelsea inkasta oo uu si joogto ah ugu ciyaaro iyada oo ay taageerayaasha kooxda chelsea doonayaan in kaydka la dhigo xiddiga booskiisana laga ciyaarsiiyo N’Golo Kante oo wacdaro ka dhigay booskaas sanadihii hore.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay Man United doonaysay Joginho ka hor Chelsea iyaga oo u doonayay in ay ka dhigaan badalka Michael Carrick.

Laakiin Man United ayaa isaga hadhay baacsigiisa una leexatay xiddiga Fred oo ay 52 milyan oo euro ugala soo wareegeen kooxda Shakhtar Donetsk instead.

Wargayska MEN ayaa sheegaya in ay United isaga hadhay baacsiga Jorginho kadib markii ay baadhitaan iyo qiimayn badan ku samaysay qaab ciyaareedkiisa iyaga oo u dhaqaaqay Fred.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here