Sababta Ay Paul Pogba & David De Gea U Doonayaan Mushaharka Waalida Ah Oo La Ogaaday, Champions League Ayaa Sabab U Ah

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay xiddigaha Paul Pogba iyo David De Gea kooxda Man United u sheegeen dalabkooda ku aadan heshiiska Cusub ee kooxda Red Devils.

Kooxda Man United ayaa ku jirta dagaal ay doonayso in ay ugu soo baxdo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe iyaga oo haatan ku jira kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League.

Man United ayay u hadheen 5 kulan oo kaliya oo ay ku hubiso in ay ugu soo baxdo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe iyaga oo ay ka go,antahay in ay guulo gaadhaan kulamada u hadhay.

Sida laga soo xigtay wargayska The Times hadii ay Man United ku fashilanto in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe waxa ay xiddig walba oo kooxda ah ka jari doonaa 25% mushaharka uu ka qaato kooxda.

Wargayska ayaa sheegaya in ay xiddigaha Pogba iyo De Gea wal-wal ka dareemayaan arintaas taas oo ku riixaysa in ay kooxda ka dalbadaan in kor loogu qaado mushaharkooda.

Mustaqbalka labada xiddig ee kooxda Man United ayuu shaki weyn ku jiraa xilli heshiiska Goolhaye De Gea dhici doono xagaaga dambe halka uu wali diiday in uu heshiis cusub u saxiixo.

De Gea ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu todobaadkii qaato lacag dhan 350 kun oo Gin todobaadkii hadii uu uu heshiis cusub u saxiixayo kooxda Man United.

Dhanka kale Paul Pogba oo ka mid ah xiddig si weyn diirada ugu saaran kooxda Real Madrid ayaa diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda isaga oo doonaya in jeebka loogu shubo lacag dhan 500 kun oo Gini todobaadkii si uu u saxiixo heshiis cusub.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here