Sababata Uuna Mohamed Salah Uga Tagi Doonin Liverpool Oo La Ogaaday, Way Jeclaan Doonaan Taageerayaasha Reds

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wakhtigii ugu dambeeyay lala xiriirinayay in uu ka tagayo kooxda Liverpool iyada oo lala xiriirinayay kooxda Juventus.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Danny Murphy ayaa sheegay in uu Mohamed Salah iska diidi doono fursad kasta oo uu isaga tagi karo Liverpool.

Xiddiga reer Masar ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu 34 milyan oo euro ugu soo biiray xagaagii 2017 isaga oo dhaliyay 64 gool 88 kulan.

Salah ayaa lagu abaalmariyay heshiis cusub kaas oo Reds ku sii hayn doona ilaa xagaaga 2023 laakiin waxa uu xiiso ka helayaa kooxo badan oo ka mid ah yurub.

Kooxda Juventus ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay lala xiriirinayay in ay lacag badan ugu dhaqaaqi doonto 26 jirka laakiin Danny Murphy ayaa aaminsan in uu Mohamed Salah diidi doono.

“Ma arkayo in uu Mohamed Salah ka tagi doono Liverpool kuna biiri doono Juventus”ayuu u sheegay SportingBet.

“Premier League ayaa ah mid ka xiiso badan kana tartan premier league Serie A-da, Liverpool ayaana awood u leh ku guulaysiga champions League marka loo eego Juventus”.

“Salah waa xiddig lala xiriirin doono kooxaha ugu waaweyn yurub laakiin waxa uu ku faraxsan yahay Liverpool taageerayaashuna way jecel yihiin waxa uu ciyaarayaa kubadiisii ugu fiicnayd”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here