Sabab La Yaab Leh Oo Ka Dambaysa Go,aankii Uu Gary Cahill Isaga Diiday In Uu Uga Tago Chelsea Suuqii January, Sarri Ayay Khusaysaa

Daafaca Kooxda chelsea ee Gary Cahill ayaa iska diiday in uu suuqii January isaga tago kooxda chelsea isaga oo maalintii ugu dambaysay iska diiday dalabyo uga yimid kooxaha Juventus, Fulham iyo Arsenal.

Wargayska Express ayaa sheegaya in sababtii uu Gary Cahill isaga diiday in uu uga tago kooxda chelsea suuqii Janaury ay tahay in uu aaminsan yahay in uuna Maurizio Sarri kooxda tababare ka sii ahaan doonin muddo dheer.

Cahill ayaa si aad ah loo filayay in uu isaga tago kooxda chelsea iyada oo lala xiriirinayay kooxo badan oo reer yurub ah.

Laakiin heshiiska ayaan dhamaystirmin in kasta oo ay kooxo badan dalab ka soo gudbiyeen adeega xiddigan khabiirka ah.

33 jirkan ayaa ka baxay qorshaha tababaraha reer Italy tan ilaa markii uu la wareegay shaqada kooxda chelsea bilowgii xilli ciyaareedkan.

Sarri ayaa durba shaki weyn la galinayaa mustaqbalkiisa fog ee kooxda chelsea kadib markii ay ka soo hor jeesteen xiddigo ka mid ah kooxda kuwaas oo uu weeraro saxaafada ah ku qaaday wakhtigii ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here