Sabab La Yaab Leh Oo Ay Arsenal Uga Baxday Heshiiskii Amaahda Ahaa Ee Ay Barcelona Kaga Doonaysay Malcom.

Kooxda Arsenal ayaa fursad u haysatay in ay Barcelona ka wada helaan xiddigaha Denis Suarez iyo Malcom laakiin Gunners ayaa ka baxday heshiiska Malcom maalintii ugu dambaysay suuqa January oo ahayd shalay.

Suarez ayaa khamiistii dhamaystiray heshiiskii uu ugu biiray Arsenal ee ahaa 2 milyan ee heshiiska ah kaas oo ay si toos ah ugula wareegi doonto dhamaadka xilli ciyaareedkan kaliya 18 milyan oo euro.

Xiddiga reer Spain oo u sooo ciyaaray da,yarka kooxda Man City ayaa doonayay in uu la midoobo Unai Emery oo uu kala soo shaqeeyay Sevilla.

Laakiin Malcom ayaan Suarez u soo raacin ku biirista Kooxda Arsenal maalintii ugu dambaysay ee suuqa Janaury.

Xiddiga reer Brazil ayaa Barcelona kaga soo biiray kooxda Bordeaux xagaagii laakiin ku fashilmay in uu wax saamayn ah ku yeesho Camp Nou.

Waxana uu u Muuqday Mid doonaya in uu Suarez iyo Emery kula soo biiro Emirates laakiin Arsenal ayaa isaga baxday wadahadalada kadib markii ay Barcelona dalbatay lacag yar oo heshiiska amaahda ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here