Saadex Xiddig Oo Man United Ah Oo Seegi Doona Kulanka Bournemouth & Alexis Sanchez Oo Ka Mid Ah

0

Kooxda Man United ayaa maanta la ciyaari doonta kooxda Bouremouth iyaga oo isha ku haya guushoodii 3-aad oo xiriir ah laakiin Man United ayaa waayi doonta adeega 3 xiddig kulankaas.

Xiddigaha Alexis Sanchez, Fred iyo Diogo Dalot ayaa seegi doona kulanka ay Man United la ciyaari doonto Bournemouth.

Sanchez ayaa ka maqan Man United tan ilaa dhamaadkii bishii November isaga oo dhaawac muruqa ah kaga maqnaa laakiin waxa uu ku dhawaa in uu in uu soo laabto kadib markii uu todobaadkii hore tababarka ku soo laabtay.

30 jirka ayaa si buuxda tababarka ula qaatay kooxda Man United todobaadkan waxana la filayay in uu ku soo laabto shaxda United kulanka Bourenmouth.

Laakiin xiddiga reer chile ayaa u muuqda mid seegi doona kulanka kadib markii uuna saaxiiabdiisa kale kula soo xaadirin hudheelka Lowry Hotel.

Sidoo kale waxa Kooxda laga dhex waayay xiddigaha Fred iyo Dalot kuwaas oo sidoo kale u muuqda qaar seegi doono kulanka.

Labada xiddig ayaa ku bilowday kulankii ay United guusha weyn ka gaadhay kooxda Huddersfield Town kulankii Boxing Day-ga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here