kadib guuldaradii lama filaanka aheyd ee xulka Saudiga u geestay Argentin waxaa durba la badalay saadaasha koobka Adduunka iyo Xulalka ku guuleysan kara.

Xulka Argentin oo lagu daray Faransiiska, Brazel iyo England waa afar Xul oo loo badinayay inay qaadi karaan koobka Adduunka ee Sanadkan.

Awooda Argentin ee Kulankooda Sacuudiga ayaa durba kala dhantaashay rajadooda koobka adduunka waxana Warbaahinta qaar tabinayaan in Argentin ay adagtahay inay kasoo gudubto dhanka guruubka.

Xulka Argentin ayaa Sabtida soo socota la ciyaaraya Mexico taasi oo laga ogaan kara awooda xulkan ee Koobka Adduunka.

Xidiga Lionel Messi oo ciyaaraya koobka Adduunka ee ugu danbeeyay ayaa rajeynayay inuu Xulkiisa la qaado koobka lakin Ridadiisa ayaa hada u muuqata mid liidata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here