Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Kulamada Premier League “Boxing Day” – Tartanka Laba Faraslaha Ah Ee Liverpool & Man City Oo Uu Sii Holciyay & Haddii Uu Guul Kale U Rajeeyay Solskjaer.

0

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka caanka ah ee Sky Sports ee lagu magacaabo Paul Merson ayaa sidii joogtada ahayd u dhiibtay aragtidiisa kulamada horyaalka Premier League oo toddobaadkani uu u yahay midka lagu magacaabo Boxing Day.

Kulamadan oo ah kuwa arbacada iyo Khamiista la dheeli doono ayay kamid yihiin ciyaaro xiisahooda wata sida kulanka ay Manchester City booqan doonto Leicester City, Ciyaarta u dhaxayn doonta Chelsea iyo Watford iyo waliba Man United iyo tababaraheeda cusub oo Old Trafford lagu qiimayn doono.\

Aan ku horraynee, Arsenal oo guul toddobaadkan ka gaadhay kooxda Burnley ayaa markan booqan doonta Brighton & Hove Albion, Paul Merson waxa uu aaminsan yahay in kooxdiisii ciyaartoynimo ay soo guulaysan doonto balse waxooga lagu adkayn doono.

Si lamid ah Arsenal, Waxa uu Paul guul u rajeeyay Chelsea oo ciyaar aan joogto ahayn samaynaysay toddobaadyadii ugu dambeeyay balse waxa uu aaminsan yahay inay tubta guusha kusoo laaban doonto marka ay booqato Vicarage Stadium.

Kulanka King Power Stadium ee Leicester City v Man City ayuu Paul aaminsan yahay in kooxda Pep Guardiola ay kasoo kaban doonto guuldaradii Crystal Palace isla markaana ay saddexda dhibcood kasoo qaadan doonto Foxes kulankaas xamaasada wata.

Kooxda hoggaanka afarta dhibcood ah haysata ee Liverpool ayaa ah mid sidoo kale natiijo ay ku qanacday ka heshay Merson oo u saadaaliyay inay xaaqi doonaan tababarahoodii hore ee Rafael Benitez iyo kooxdiisa Newcastle United.

Si lamid ah kooxaha aan kor kusoo xusnay, Khabiirka Sky waxa uu qabaa in Tottenham oo xalay natiijo 2-6 ah ku suuldaartay Evertonay markale Wembley Stadium ku jilcin doonto Bournemouth.

Ugu dambayn, Ole Gunnar Solskjaer iyo Man United oo kulankii Cardiff City wacdaro kasoo dhigay ayuu Merson u rajeeyay guusha ugu weyn toddobaadkan iyo goolasha ugu badan ee ay kooxdi dhalin doonto.

Halkan Kaga Boggo Saadaasha Paul Merson ee Premier League toddobaadka 19-aad Oo Dhammaystiran.

Fulham 2-1 Wolves

Brighton 2-3 Arsenal

Watford 1-2 Chelsea

Burnley 1-1 Everton

Crystal Palace 3-0 Cardiff City

Leicester 1-2 Man City

Tottenham 3-0 Bourenmouth

Southampton 2-2 West Ham United

Liverpool 3-0 Newcastle United

Manchester United 4-0 Huddersfield.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here