SAADAALIN: SuperComputer Oo Sameeyay Saadaalintii Ugu Dambaysay Ee Premier league, Waana War U Xun Liverpool, Man United & Arsenal

Tartanka kala duwan ee horyaalka premier League hadii ay tahay hanashada horyaalka, kaalmaha loogu soo boxo tartamada yurub iyo tartanka loogu jiro in laga badbaado hadhitaanka horyaalka ayaa sii xoogaysanaya.

Khabiirada Kala duwan ayaa sameeyay saadaalintooda kala duwan iyada oo haatan kaliya 13 kulan ka hadhsan yahay dhamaadka horyaalka premier League.

Qaar ayaa Liverpool ku taageeraya in ay Liverpool ku guulaysato horyaalka halka ay qaar kale Man City u saadaalinayaan in ay difaacato iyo Qaarkood oo Tottenham ku garab taagan ku guulaysiga horyaalka.

Saadaalinta ilaa haatan waa kaliya saadaalin Bani aadm kuwaas oo koox walba saadaalin ka bixiyay iyaga oo ku qiimeeyay qaab ciyaareedkooda.

Laakiin wargayska Talksport ayaa dhankooda SuperComputer waydiiyay qaabka ay saadaalinta ugu dambaysa ee horyaalku noqon doonto.

Saadaalintaas ayaan war fiican u ahayn Jurgen Klopp iyo xiddigaha kooxdiisa xilli ay Reds u dagaalamayso ku guulaysiga horyaalka markii ugu horaysay 29 sano kadib.

SuperComputer ayaa dhanka kale Tottenham u saadaaliyay in ay ku dhamaysato kaalinta 3-aad halka ay Chelsea heli doonto booska 4-aad.

Kooxda Man United ee qaab ciyaareedka fiican ku jirta wakhtigii ugu dambeeyay ayaa heshay kaalinta 5-aad iyaga oo ka dambayn doona kooxaha Arsenal Iyo Wolves.

Dhanka kale SuperComputer ayaa kooxaha Huddersfield, Fulham iyo Cardiff u saadaaliyay in ay u dhaadhacaan horyaalka heerka 2-aad.

Halkan Hoose Kaga Bogo Saadaalinta SuperComputer:

Manchester City
Liverpool
Tottenham Hotspur
Chelsea
Manchester United
Arsenal
Wolverhampton Wanderers
Watford
Leicester City
Bournemouth
West Ham United
Everton
Brighton and Hove Albion
Burnley
Crystal Palace
Southampton
Newcastle United
Cardiff City
Fulham
Huddersfield Town

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here