SAADAALIN: Kroon Casino Saadaalisay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League & 4-ta Kooxood Ee Kaalmaha Ugu Sareeya Ku Dhamaysan Doona Premier League.

Tartanka horyaalka premier League ayaa sii xoogaysanaya xilli ciyaareedkan iyada oo 4 dhibcood oo kaliya ay Liverpool ku hogaaminayso tartanka.

Liverpool ayaa 2 dhibcood kaliya ku hayn karta hogaanka horyaalka premier League ka hor inta ayna isniinta la ciyaarin kooxda West Ham.

Tottenham ayaa haatan 4 dhibcood ku haya hogaanka kadib markii ay Tottenham ka badisay kooxda Newcastel waxana ay 2 dhibcood ku hayn kartaa hadii ay Man City garaacdo Arsenal.

Laakiin Reds ayaa wali fursad weyn u haysata in ay ku guulaysato horyaalkeedii ugu horeeyay tan ilaa 1990-kii.

Kroon Casino oo ah Kasiino ku taala England ayaa bixisay saadaalintii ugu dambaysay ee horyaalka premier League iyaga oo saadaaliyay in ay 65% Liverpool ku guulaysan doonto premier League.

Iyaga oo ku qiimeeyay qaab ciyaareedka kooxaha premier League ee xilli ciyaareedkan ayay Reds u saadaaliyeen in ay heli doonto 94 dhibcood dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo 3 dhibcood ka horayn doonta Man City.

Sidoo kale waxa ay Kroon Casino saadaaliyeen 4-ta kooxood ee ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kroon Casino ayaa kooxaha Tottenham iyo chelsea u saadaaliyay in ay kala galaan kaalmaha 3-aad iyo 4-aad halka ay Arsenal gashay 5-aad iyada oo ka horaysa kooxda Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here