SAADAALIN: Kooxda Ajax Oo Si Cajiib Ah U Saadaalisay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League

Kooxda Ajax ayaa si lama filaan ah u saadaalisay kooxda ku guulaysan doonta tartanka champions League xilli ciyaareedkan xilli tartanku marayo meel xiiso iyo xamaasad leh.

Kulamada lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League ayaa todobaadkan la ciyaari doonaa iyada oo ay koox walba u dagaalamayso fursadeeda ay ugu gudbi karto wareega xiga.

Boga Twitter-ka ee champions League ayaa soo dhigay in ay Taageerayaasha kubada cagtu saadaaliyaan kooxda ku guulaysan doonta tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Laakiin Boga Twitter-ka ee Kooxda Ajax ayaa si cajiib ah ugu saadaaliyay kadib markii ay iyagu isku saadaaliyeen ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Ajax ayaa saadaalisay in ay iyagu dhaafi doonaan kooxaha Man City iyo Juventus Finalka tartankana isugu iman doonaan kooxda Barcelona kuwaas oo ay saadaaliyeen in ay soo dhaafi doonto kooxaha Man United iyo Liverpool.

Kadib Kooxda Ajax ayaa sii saadaalisay in ay Barcelona ku garaaci doonaan koobka sidaasna ugu guulaysan doonaan champions League xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here