“Run Ahaantii Waad Fool Xuntahay”:- Da,yarka Real Madrid ee Sergio Reguilon Oo Aan Waxba Ula Hadhin Luis Suarez Ilaa Messi Ayuu Ku Daray

0

Da,yarka kooxda Real Madrid ee Sergio Reguilon ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah bilihii la soo dhaafay isaga oo boos ku samayastay kooxda 1-aad.

Sergio Reguilon ayaa daafaca bidix ka dhigtay booskiisa isaga oo meesha kala baxay xiddiga reer Brazil ee Marcelo kaas oo qaab xun ku jira.

Kulamadii ugu dambeeyay ee El Clasico ee ay Los Blancos la ciyaaraysay kooxda Barcelona Qaab ciyaareedka Sergio Reguilon ayaa ah waxa ugu fiican ee uu Santiago Solari kala baxay garoonka.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankii Sabtidii Sergio Reguilon ayaa dagaal Afka ah la galay xiddiga kooxda Barcelona ee Luis Suarez isaga oo ku yidhi” Run ahaantii Waad Fool Xuntahay”.

Il bidhiqsi kadib Reguilon ayaa jeestay Lionle Messi isaga oo ku yidhi” Maxaa ku waalaya Adiga Pulga?”.

“La Pulga ayaa ka mid ah Naanaysta Messi, waana cayayaan ka mid ah cayayaanada”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here