Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Juventus hadii ay Man United iska iibiso xagaaga.
25 jirkan ayay taageerayaasha United si xoogan u dhaleeceeyeen qaab ciyaareed xumadiisa isaga oo ku dhibaatooday in uu hogaamiyo weerarka Red Devils.
Xiddiga ayaa kaliya dhaliyay 10 gool waxana uu haatan ka dambeeyaa weeraryahanka Wacdaraha dhigaya ee Marcus Rashford.
Waxa la fahamsan yahay in ay Man United doonayso in ay iska fasaxdo Lukaku marka uu xagaaga dib u furmo suuqa kala iibsigu.
Xiddiga reer Belguim ayaana doonaya in uu ku biiro kooxda Juventus sabab la xidhiidha in uu doonayo in uu ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo.
Kooxda Juventus ayaa heshay dalabyo sareeya oo looga doonayo xiddiga Paulo Dyabala kaas oo lala xiriirinayo kooxo badan oo reer yurub ah.
ilo wareedyo laga helayo Old Trafford ayaa sheegaya in uu Lukaku doonayo in uu ku biiro kooxda Juventus sabab la xidhiidha in uu yahay taageere weyn oo Ronaldo ah.