Romelu Lukaku Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Ka Dhigay Man United

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa bar-bareeyay rikoodh uu Cristiano Ronaldo ka dhigay kooxda Man United.

Xiddiga reer Belguim ayaa dhaliyay 2 gool kulankii ay Man United guusha ka gaadhay kooxda PSG isakan xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Lukaku ayaa dhaliyay 6 gool 3-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda PSG.

xiddiga 25 jirka ah ayaa laba gool ka dhaliyay Crystal Palace, Southampton iyo waliba kulankii champions League ee Kooxda PSG.

Sidaas darteed Romelu Lukaku ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Man United ah ee dhaliya 2 gool 3 kulan oo xiriir ah tan ilaa December 2006 markaas oo uu Ronaldo sidaas sameeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here