Romelu Lukaku Mise Marcus Rashford? Ole Gunnar Solskjaer Oo Hadlay Qorshihiisa Weeraryanada Man United, Kee Ayaa Ah Dookha 1-aad?

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka weeraryahanadiisa Romelu Lukaku iyo Marcus Rashford kuwaas oo labadooduba goolal dhaliyay kulankii Newcastle xilli uu sheegay in laga yaabo in uu ku wada bilaabo kulamada.

Rashford ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira tan ilaa markii uu Solskjaer ku soo laabtay kooxda isaga tababare ah isaga oo weerarka hogaamiyay dhamaan 4-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Dhanka kale Lukaku ayaa ku soo laabtay goolasha isaga oo shabaqa soo taabtay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee uu badalka ku soo galay.

Kadib guushii 2/0 ahayd Solskjaer ayaa sheegay in laga yaabo in ay labada xiddig ku soo wada bilowdaan weerarka Man United.

“Waan ku wada ciyaari karaa labadoodba, wax dhib ah ma lahan”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Midkood ayaa ka ciyaari kara garabka ama waxa ay labadooduba ka wada ciyaari karaan weerarka tooska ah, waxa ay i siinayaan dookh fiican”.ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here