Romel Lukaku Oo Haatanba Sii Shaaciyay Tababaraha Cusub Ee Man United

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa sheegay in Man United Tababaraha buuxa ee kooxda ka dhigi doonto Ole Gunnar Solskjaer kadib guushii uu kooxda ku hogaamiyay champions League.

25 jirka ayaa sheegay in uuna shaki ku jirin in uu Ole Gunnar Solskjaer noqon doono tababaraha kooxda Man United kadib markii uu kooxda ku hogaamiyay soo laabashadii tariikhiga ahayd.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kaliya hal guuldaro la kulmay 17-kii kulan ee uu hogaamiyay kooxda tan ilaa markii uu hoganka u qabtay kooxda.

Lukaku oo dhaliyay 2-dii gool ee kooxda Man United kula bar-baraysa PSG ka hor inta uuna Rashford dhalin goolka 3-aad ee guusha.

“Waxa aan ogahay in uu sii joogo doono, shaki kuma jiro arintaas”ayuu u sheegay Viasport.

“Waxa uu doonayaa in uu joogo, xiddigaha kooxdu waxa ay doonayaan in uu sii joogo”.

“Waxa aan qabanaynaa shaqo fiican waxa aan u ciyaaraynaa sidii ay ahayd in ay Man United u ciyaari lahayd”.

“Waa tababare Da,yar ah, waxa uu haystaa xiddigo da,yar ah sidaas darted waxa aan samayn karnaa horumar waxana aan rajaynayaa in aan koobab ku guulaysano”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here