Roberto Firmino Oo Rikoodh Cajiib Ah Ku Leh Everton, Taageerayaashu Way Jeclaan Doonaan

Taageerayaasha Kooxda Liverpool ayaa rajaynaya in uu weeraryahankooda reer Brazil ka soo laabto dhaawaca kulanka Everton in ka badan hal sabab.

Xiddiga reer Brazil ayaa seegay kulankii ay Liverpool 5/0 uga badisay kooxda Watford Arbacadii sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah.

Firmino ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Axadii hore Liverpool bar-baraha 0/0 ah la gashay kooxda Man United.

Nasiib wanaag dhaawaca ayaan noqon sidii markii hore laga cabsi qabay waxana la filayaa in uu ka qayb qaato kulanka Axada ee ay Liverpool la ciyaari doonto Everton.

Firmino ayaa qaab door muhiim ah ku Leh Liverpool isaga oo difaacda kadib weerar qaada qaab ciyaareed fiicana ka soo saara xiddigaha Sadio Mane & Mohamed Salah.

Inkasta oo uu Divock Origi soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii Watford hadana Tayada cajiibka ah ee Firmino ayaa ka dhigaysa mid ayna Liverpool ka maarmi karin.

Taageerayaasha Reds ayaa sidoo kale rajaynaya in uu Firmono ku soo laabto shaxda sabab kale taas oo ah in ayna Liverpool wax guudlaro ah kala kulmin Everton hadii uu ciyaarayo Firmino.

Firmino ayaa ka hor tagay 7 kulan kooxda Everton waxa ay Liverpool guul gaadhay 5 kulan waxana ay bar-baro galeen 2 kulan oo kale.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here