Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa isku qoray taariikhda premier League kadib saddexdii gool ee uu ka dhaliyay Arsenal kulankii ka dhacay Anfield.
Roberto Firmino ayaa saddexley ka dhaliyay Arsenal kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier league.
Kadib saddexleydii uu ka dhaliyay Roberto Firmino ayaa noqday xiddiga reer Brazil ee ugu goolasha badan taariikhda horyaalka premier Leageu.
Xiddiga 27 jirka ah ayaa xiddigii hore ee Liverpool Philippe Coutinho ku garaacay xiddiga reer Brazil ah ee ugu goolasha badan premier league.
Arinta cajiibka ah ayaa ah in uu Firmino yahay xiddiga ugu kulamada yar ee hadana ugu goolasha badan horyaalka premier league.
Hadaba halkan hoose kaga bogo shanta xiddig ee reer Brazil ee ugu goolasha badan premier League:
Roberto Firmino: 123 kulan 43 gool
Philippe Coutinho: 152 kulan 41 gool
Juninho: 125 kulan 29 gool
Willian: 184 kulan 27 gool
Gabriel Jesu: 54 kulan 23 gool