Roberto Firmino Oo Neymar & Marcelo Ku Garaacay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican 2018, Imisa Cod Ayuu Ku Helay?

Xiddiga kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa abaalmarin ku garaacay xiddigaha ay isku dalka yihiin ee Neymar oo u ciyaara kooxda PSG iyo Marcelo oo u ciyaara kooxda Real Madrid.

Weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican dalka Brazil ee sanadkii 2018 ee la soo dhaafay.

Website-ka Liverpool Ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga 26 jirka ah ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican Brazil ee xiddigaha ka ciyaara yurub sanadka 2018.

Guusha Roberto Firmino ayaa timid kadib markii uu helay coda ugu badan ee saxafiyiinta iyo waliba shaqsiyaad waaweyn oo u codeeyay.

Firmino ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha ay isku dalka yihiin ee Neymar iyo Marcelo kadib markii uu helay cod dhan 21.79%.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa dhankiisa helay cod dhan 20.15% halka uu Neymar helay 18.67%.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here