Roberto Firmino Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Salah & Mane U Dhigeen Liverpool Kuna Sii Dhawaanaya Rikoodh Steven Gerrard

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa bar-bareeyay Rikoodh uu dhigay xiddiga ay isku kooxda yihiin Mohamed Salah halka uu sidoo kale ku sii dhawaanaya rikoodh cajiib ah oo uu Steven Gerrard Ka Dhigay Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Fc Porto tartanka champions League iyaga oo 2/0 ku badiyay kulan ka dhacay Anfield kulan ka tirsanaa lugtii 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita ayaa gool wakhti hore u dhaliyay kooxda Liverpool ka hor inta uuna xiddiga Roberto Firmino dhalin goolka 2-aad ee kooxdiisa Liverpool ka dhalisay.

Roberto Firmino ayaa dhaliyay goolkiisii 13-aad ee tartanka champions League isaga oo sidaas ku bar-bareeyay goolashii uu Mohamed Salah iyo Sadio Mane kuwaas oo dhaliyay min 13 gool.

Xiddiga reer Brazil ayaa isha ku haya rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan champions League kooxda Liverpool kaas oo ah Halyeeyga Steven Gerrard kaas oo dhaliyay 21 gool.

Sidaas darteed Weeraryahanka Roberto Firmino ayaa 8 gool oo kaliya u jira in uu bar-bareeyo rikoodhka Halyeeyga Steven Gerrard ee tartanka champions League.

Liverpool ayaa 17 bishan La ciyaari doonta kooxda Porto lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League iyaga oo isha ku haya in ay wareega xiga u gudbaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here