Robert Lewandowski Oo Kashifay 2 Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo Isku Dayay In Ay Ku Qanciyaan Ku Biirista Real

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa shaaca ka qaaday 2 xiddig oo isku dayay in ay ku qanciyaan in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Robert Lewandowski ayaa sheegay in xiddigaha Sergio Ramos iyo Cristiano Ronaldo isku dayeen in ay ku qanciyaan in uu kula biiro kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer Poland ayaa si weyn loola xiriirin jiray kooxda Real Madrid sanadihii ugu dambeeyay laakiin maamulka Bayern Munich ayaa diiday in ay fasaxaan xiddiga.

Robert Lewandowski oo la hadlaya wargayska AS ayaa yidhi” Waan ku faraxsanahay Bayern Munich, waxa aan u ciyaaraa mid ka mid ah kooxaha ugu waaaweyn kubada cagta adduunka”.

“Waxa aan leenahay taageerayaal mar walba naga dalbanaya qaab ciyaareed fiican waliba si weyn noo garab istaaga”.

Isaga oo ka hadlaya xiisihii Real Madrid ayuu yidhi” 2 ilaa 3 sano ka hor waxa ila soo xiriiray Ramos iyo Ronaldo si ay iigu qanciyaan in aan ku biiro Real Madrid”.

“Waxa aan u ciyaarayay qaab ciyaareed aad u sareeya sidaas darteed kooxo badan oo reer yurub ah ayaa doonayay in aan ku biiro kooxdooda”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here