Robert Lewandowski & Arjen Robben Oo Saadaaliyay Kulanka Champions League Ee Ay Ka Hor Tagi Doonaan Liverpool.

Xiddigaha Kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski & Arjen Robben ayaa kulankooda champions Leageu ee ay la ciyaari doonaan Liverpool ku tilmaamay Mid adag laakiin Lewandowski Ayaa sheegay in uu garanayo waxa ay tahay in ay kooxdiisu samayso.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa la ciyaari doonta Bayern Munich wareega 16-ka tartanka champions League iyada oo lugta 1-aad ka dhici doonto Anfield February 19.

Lewandowski ayaana sheegay in diyaar garawga kulankaas uu Bayern U Noqon doono qaabkii ay ku garaaci lahaayeen kooxda gaadhay finalka tartanka xilli ciyaareedkii hore.

“Waxan u malaynayaa in aan si fiican u ciyaarnay wareegii Group-yada”ayuu Lewandowski u sheegay Goal.com.

“Dabcan waxa aan haatan ku dhacnay koox adag oo Liverpool ah”.

“Wakhti xaadirkan waxa ay ku jiraan kaalinta 1-aad ee premier League, wali waxa inaga xiga dhawr todobaad taasna waxa ay noqon doontaa mid muhiim ah iyo sida aan dareeno hal todobaad ka hor kulanka”.

“Hadii aan diyaar nahay oo aan taam nahay waan dagaalami doonaa waxana aan rajayn doonaa in aan wareega xiga u gudbno, in aan Liverpool garaacno waa riyo”.

“Waan Ognahay in uu noqon doono kulan adag laga bilaabo daqiiqada ugu horaysay ee ilaa daqiiqada 90-aad, waana in aan 100% diirada saarno”.

Robben oo horay Liverpool ugu magacaabay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League ayaa sheegay in uu sugi laayahay in uu ku ciyaaro Anfield.

“Way iska cadahay in uu noqon doono kulan adag sidoo kale kulan xiiso leh”ayuu sii raaciyay.

“In aad ku ciyaarto Anfield waa taxadi cajiib ah, waana in aan sidaas oo kale u aragno kuna aadno halkaas kalsooni buuxda”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here